Xog & Gorfeyn: Maxaa ka run ah horumarka ay Xukuumada ka sheeganeyso dhanka Shaqo Abuurka?

Waxaa aan wada ognahay in Dhalinyada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa saameyta ugu badan ay ku reebtey deganaansho la’aanta siyaasadda, dagaalada, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale oo horseedey dhaqaale burbur muddo dheer ah taas oo saameyn daran ku yeelatey suuqa shaqada.

Bulshada Soomaaliya 73% waa faqiir halka 43% oo ka mid ah ay ku adag tahay nolosha. Waxaa intaas sii dheer in ka badan 70% da’ ahaan ka yer yihiin 30 jir oo macnaheedu tahay in dhalinyarada ay ka badan tahay dadka waaweyn. Warbixinta xagga Horumarka ee Aadanaha ee Soomaalia (Somalia Human Development Report) ee 2012 waxay leedahay in ka badan 54% dadka shaqeyn kara Soomaliya (Active Population) waa shaqo la’aan! Waxay kaloo cadeynaysaa warbixinta in da’ yarta u dhaxaysa 14-29 ay 67% ay yihiin shaqo la’aan. Sidoo kale in ka badan 40% dhalinta shaqo la’aanta ah waa shaqo doon! Shan sano ka dib war-bixinta oo ay xasilooni daro siyaasadeed iyo amni xumo sii jirto islamarkaana dhowr kun oo arday ay jaamacadaha sanad walba ka qalin jebiyaan maxaa la filan karaa? Jawaabtu waxaa ay tahay in tobanaan kun oo dhalinyaro ah ay shaqo la’aan yihiin.

Bilowgii sanadka 2017 oo ku asteysanaa ololihii doorashada madaxweynaha oo uu ku guuleystey Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan aniga iyo xildhibaanada kaleba dhageysaney khubadaha murashixiin ka badan 20 waxayna ku beegnayd 4-5 Febraayo. Musharax kasta waxaa uu khubadiisa iyo qorshayaasiisa ku darey waxa uu ka damacsan yahay shaqo abuurka dhalinyarada.

Musharaxiintaas waxaa ku jirey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay xildhibaanda 229 intooda badan u garteen inuu oofin karo balan qaadyadaas oo aniga ahaan shaqo abuurka u arkayey inay muhiim gaar ah leedahay maadaama aan si gaar ah uga warqabey dhibaatada dhalinyarada ay ku hayso shaqo la’aanta.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Barnaamijkiisa u dhiibey xukuumad uu madax uga dhigay Mudane Xasan Cali Kheyre asagoo soo diyaariyey qorshe oo ugu magac-darey “Nabad iyo Nolol” lehna 10 Yool oo aan ka xusi karo Kobcinta Dhaqaalaha oo ay ka mid tahay shaqo abuurka.
Waxaa ka soo wareegatey sanad doorashadii madaxweynaha balse ma aragno wax weyn in laga qabtey arrimaha dhalinyarada gaar ahaan shaqo abuurka. Hase-yeeshee anagoo aan weli ku deg-degin dhaliil arinkaas ku saabsan maadaama ay hal sano un jirto Xukuumadda ayaa waxaa aad u tiro batey sheegashada Xukuumadda Kheyre ee ku aadan inay wax weyn ka qabteen arrimaha Shaqo abuurka. Waxaa uu Raysul-wasaaraha dhowr jeer sheegey in Xukuumadiisu ay abuurtey in ka badan 5,000 oo shaqo. Qaar kale oo taageerayaashiisa ahna waxayba ka dhigeen ilaa 15,000 oo shaqo in la abuurey! Aniga ka shaqsi ahaan waxaan waayey wax la taaban karo oo horumar ah inay Xukuumadda ka sameysey arinkan. Waxaan baarey in Xukuumadda ay qoratey wax shaqaale ah, balse waxaan ogaadey in hal qof oo shaqaale cusub ah oo galey liiska shaqaalaha dawladda Soomaaliya aaney jirin. Waxaana daliil fudud u ah miisaaniyadda la meel mariyey sanadkan 2018 in aaney ku jirin wax shaqaale cusub ah.

Basle waxaa jira Barnaamijka loo yaqaan “Capacity Injection” oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka oo ay Xukuumaddii Xasan Sheekh heshiis la gashey inuu shaqaaleysiiyey ilaa 100 qof oo nidaam tartan ah loo marey. Sidoo kale ma haayo war-bixin la isku halayn karo oo ka hadlaysa tirada shaqooyinka ay abuureen shirdaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha gargaarka.

Marka aan dib u milicsano sanadihii hore, sanad kasta shaqaalaha dawlada koror ayay sameynayeen marka laga reebo sanadkii 2017. Wadarta guud oo ay dawladu mushaarka siiso waa 5,406 oo la shaqaaleysiiyey Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kuwii ka horeeyey. Tusaale, sanadkii 2016 waxaa la shaqaaleysiiyey 834 oo 658 ay rag yihiin halka 176 ay gabdho yihiin sida lagu sheegey warbixinta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda.

Gabo-gabadii waxaa aan qormadan u qorey in aan muujiyo in Xukuumadda ay ka gaabisey dhanka shaqo abuurka iyo arrimaha dhalinyarada waxaanse rajeynayaa in sanadkan bilowdey ay wax badan bedelo doonto inkastoo aaneyba ku xisaabtamin maadaama aaney Miisaaniyadda 2018 ku jirin wax shaqo abuur ah.

Waxaa qorey:
Senator Hussein Sheikh Mohamud