Suuragal ma tahay inuu fulo heshiiska madaxda DF iyo maamul gobaleedyada?

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Asbuucii hore waxaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis ay wada gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawladaha xubna ka ah, kaas oo ka koobnaa 3 arrimood oo laf dhabar u ah dawlad-nimada Somaliya. Hadii lagu guuleystana waxaa suurta gal ah in la helo dawlad Somaliyeed oo leh awood ay ku difaacato siyaasadeeda, amnigeeda iyo khayraadkeeda.

Si aan kala har lahayn ayaa dadka Somaaliyeed usoo dhaweeyeen una taageereen heshiiska mucaarad iyo mucaafid ba, waxeyna madaxdu ku heshay heshiiska ammaan iyo bogaadin.

Hadii la hirgaliyo heshiiskaan sida khubaradu sheegeen waxaa lagu guuleysan karaa;

A-In la helo siyaasad xasilan oo hufan, lagana maarmo 4.5 iyo oday dhaqameed soo xula Xildhibaan aan matalin dadkiisa iyo deegaankiisa, maamul gobaleed kaligii qaraabta, shisheeye madaxda Somaliya kala iibiya iyo qabiil haysta kuraas u gaar ah.

B-In laga baxo amni darada, lana helo ciidan qaran, lagana gudbo ciidan beeleed, xuduud beeleed, jabhado beeleed iyo jabhado diimeed.

C-In la heli karo dhaqaale ku filan dawladda iyo dadka Somaaliyeed, haddii si sax ah looga faa’ iidaysto khayraadka Badda, Hawada, Dhulka hoostiisa iyo korkiisa. Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegay; hadii la kireeyo kaluunka Badda iyo marinka Hawada kaliya in laga heli karo sanadkii 2 – 3 $Billion. Waxaana dawladda iyo dadka Somaliyeed lagu gummeystaa sida ay sheegaan; in sanad kasta lagu bixiyo 1.2 $Billion amniga Somaliya iyo 800 $Million gargaarka deg dega ah ee Somaliya. Taas ayaa laga maarmi karaa haddii si sax ah loo kireeyo Kalluunka Badda iyo marinka Hawada kaliya.

Caqabadaha hor-taagan hir-gelinta heshiiskaan oo fashil ku keeni kara hadii aan si wada jir ah looga hor-tegin ama loo wajahin. Waxaana ka mid ah;

1-Dawlada Federaalka iyo dawlad-gobaleedyada oo aan weli is aaminin sida ka muuqata heshiiska sida; in ruqsada la wada bixiyo, dakhligana la wada maamulo, taas oo keeni karta; “dherigii kariyaal bata waa maraq xaraareeyaa” cadawguna fursad iyo dal-daloolo ayuu ka helaa!.

2-Somaliland oo aan ku jirin heshiiska caqabadna ku noqon karta hir-gelintiisa iyo cadawga Somaliya oo ka dhigan kara “hashii rabta in ay caanaha diido maqaarka ayey meel daloosha ka eegtaa”.

3-Qaraaraadka iyo cuna-qabateynta UN ka oo caqabad ku gudban ah horumarka dawladda iyo dadka Somaliyeed, sida ku cad taariikhda UN ka oo aan weli lagu arkin wadan dawladiisii burburtay oo UN guul ka keentay, waxaana dabool ama maqaar saar ka dhigta dawladaha raba gumeysiga cusub! Sida Angola iyo Lubnaan oo ciidan UN ka socda ku suganyahay mudo ka badan 30 sano, khayraad-koodiina la guranayo, dadkoodiina gaajo u dhimanayaan.

Somaliya 27 sano ayey UN magacyo kala duwan ku joogtay Somaliya wax guul ahna weli kama soo hoynin, waxaana hir-gelinta heshiiskaan caqabad ku ah:

A-Qaraarka cunaqabateynta hubka ee ciidamada Somaliya.

B-Qaraarka Burcad Badeedda ee loogu fasaxay Badda Somaliya Maraakiibta Dagaalka iyo kuwa Burcad Kalluunka.

C-Qaraarka Hawada Somaliya looga qaatay, laguna baneystay qaadashada hantida Marinka Hawada Somaliya 27 sano, kaas oo weli taagan.

D-Qaraarka joogitaanka AMISOM ama in lagu beddelo kuwa UN u gaar ah oo waligood jooga.

4-Shirkadaha Shidaalka reer Galbeedka oo kala xirxirtay dhammaan dhulka Somalida cid kalena aan u ogoleen.

5-Ciidamada AFRICOM oo soo galay Afrika xilligii madaxweyne Bush, mar la weydiiyey taliye-hoodana sababta ay Africa u yimaadeen uu ku jawaabay; “waxaan u nimid in madaxda Afrika aysan qaadan go’aan aan lala ogeyn” iyaga oo ilaalinaya danaha America iyo khayraadka Somaliya.

6-Dawladaha deriska, kuwa ciidamadu ka joogaan Badda iyo Berriga iyo kuwa ay dhibayso horumarka Somaliya ama raba kharaadkeeda.

Hadaba waxaa waajib ku ah dawladda iyo dadka Somaliyeed in ay u hawl-galaan sidii caqabadahaas looga guuleysan lahaa, loona hirgelin lahaa heshiiska bilawga ah ee dawladda Fedaraalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)