Suxufiyiinta Galmudug oo loo diiday inay tebiyaan doorashada (Daawo)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Weriyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug oo haatan ay ka socdaan doorashooyinka maamulkaasi ayaa ka cabanaya in laga hor istaagay tibinta doorashooyinka oo haatan ka bilaawday magaalada Dhuusamareeb.

Weriyaashan oo iskaga kala yimid magaalooyinka waaweyn ee Galmudug, sida Gaalkacyo, Cadaado, Hobyo, Caabudwaaq, Gurceel iyo magaalooyin kale ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo eedeyn badan ay ugu jeediyeen xaafiisyo uu ugu horeeyo kan Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay ka tirsanayaan tabashada ugu badan.

Waxay sheegeen weriyaashan oo kala metelayey inta badan xarumaha warbaahineed ee ka howlgala dalka, in markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tegay Dhuusamareeb ay howl-wadeenada xaafiiskiisu ku bilaabeen handadaad iyo in laga hor istaago howlahoodii tebinta dhacdooyinka deegaanka.

Dhamaan guddiyada ay khuseyso arintaan ee ku howlan dhismaha maamulka Galmudug iyo xitaa Ra’iisul Wasaaraha ayey sheegeen inay kala hadleen oo la fariisteen, ilaa hadana aysan jirin wax iska bedelay sidiina ay u jirto caburinta kaga imaanaysa xaafiiska Kheyre.

Waxaa xusid mudan in arintaan oo kale ay ka jirto guud ahaan xaafiisyada dowladda ee Muqdisho oo aan loo ogoleyn weriyaasha warbaahinta madaxa banaan in wararkooda ay soo tabiyaan, taas bedel keedna ay iyagu iska soo duubaan markaas kadibna u diraan warbaahinta, waxayna arintaan soo taageynd intii ay jirtay xukuumaddan.

Guud ahaan weriyaasha ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre ka dalbaday inaan laga hor istaagin howshooda, iyagoo sheegay inay si ku meel gaar ah shaqadii u joojiyeen xalna ay ka sugayaan xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.