Swan oo madaxda ku shirsan Muqdisho uga digay waxa dhici kara haddii aysan heshiin

New York (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay qasab tahay in shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda uu dhaliyo heshiis horseedi kara in dalka doorasho looga qabto waqtiga ugu gaaban ee ugu macquulsan.

“Heshiis la’aan, iyo daacadnimada iyo niyad-wanaagga lagu fulinayo, guulihii la gaaray sanadihii tegay waa ay lumi doonaan, taasi oo keeni karta amni iyo xasillooni darro dheeraad ah,” ayuu ka digay James Swan oo ka hadlay kulan uu Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayey is-mari waaga siyaasadeed iyo muddo kororsigii laga laabtay ee horseeday in lagu dagaalamo Muqdisho, ayuu James Swan yiri “Soomaaliya qarka ayey kasoo laabatay marxaladdii ugu xumeyd.”

James Swan ayaa ku cadaadiyey hoggaamiyeyaasha ku shirsan Muqdisho inay raadiyaan tanaasul, kana shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ayada oo la eegayo danta shacabka Soomaaliyeed.

“Haddii aan la gaarin heshiis, horumar laga sameeyo ahmiyadaha qaranka waa ay wiiqmi doonaan, ama kasii daran’e waa ay baabi’i doonaan, sida amniga dhaqaalaha iyo waaxyaha horumarka,” ayuu ka digay Swan.

Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa in maanta lasoo geba-gebeeyo, ayada oo wararka ay sheegayaan in heshiis laga gaaray.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo isna ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee doorashada ku saabsanaa, laguna dhowaaqi doono maanta.