Swan oo xoojiyey qorshihiisa doorashooyinka Soomaaliya iyo kulan maanta dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xoojinaya dadaallada uu wado ee uu ku xaqiijinayo in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo cadaadinaya madaxda dowladda federaalka.

James Swan, oo laba maalmood ka hor la kulmay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa sidoo kale maanta la kulmay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, isaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo amniga doorashada.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo aynu ka wada-hadalnay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaar-garowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka,” ayuu Ducaale ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Ducaale iyo Fahad ayaa muhiim u ah doorashada, maadama amniga dalka uu ayaga hoostago.

James Swan ayaa sidoo kale gadaal ka riixaya kuna dadaalaya in la qabto kulan dhex-mara madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, si ay uga wada-tashadaaan arrimaha doorashooyinka.

Swan ayaa doonaya in kulankan uu dhaco kahor 27-ka June, markaasi oo la filayo in guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ay hortagto baarlamanka, una gudbiso qorshaha guddiga ee doorashooyinka dalka.

Ujeedka ayaa ah in inta aysan Xaliimo Yarey hortagin baarlamanka ay kulamana madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada, iskuna raacaan nidaamka doorashada, ayada oo ay caddahay in qorshaha ah doorasho qof iyo cod uusan hirgelin karin iminka.

Haddii kulanka uu dhaco, waxaa meesha ka baxaya in guddiga hortago baarlamanka, ama ugu yaraan dib ayaa loo dhigi karaa, waxaana go’aanka doorashada wada-gaaraya madaxda dowladda iyo madax goboleedyada.