‘Qorshaha siyaasadeed ee ka dambeeyey’ shirka Jabuuti ee Somalia iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa asbuucaan la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo muddo badan hakad jiray, iyadoo laga bixiyey fasiraad kala duwan.

Sanatar Mustafa Qodax oo kamida xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka hadlay wada-hadalada ayaa ku macneeyey qorshe uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga furay dabin siyaasadeed oo uu ku jiro, sida uu hadalka u dhigay.

Senator Mustafa ayaa heegay in wada-hadallada lagu soo aadiyey xilli madaxweyne Farmaajo uu dhexda kaga jiro mowjado iyo khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay in uu ka samata baxo, islamarkaana ay wadahadaladdayihiin kuwa sumcad loogu sameynayo Farmaajo oo wajahaya “fashil hogaamineed.”

Hoos ka akhriso qoraalka Senator Mustafa 

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixi lahaa.

Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo Ummada Soomaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxaan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumadda Soomaaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

Ka sakow muddo xileedka dawlada Soomaaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.

Wadahadal kasta oo Soomaaliya iyo Somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca Soomaaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.

Dhinaca Somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.

Markaad dib u yara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, waa xukuumadda aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray DP World oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan Ummada Soomliyeed oo u baahan in Farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya in uu indha Ummada Soomaaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya Soomaaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

Waxaan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoonka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N&N waana sida ay doonayeen.