Ka hor shirka JABUUTI, Somaliland oo digniin culus u dirtay dowladda federaalka

Hargeysa (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in toddobaadkan ay dalka Jabuuti ka billowdaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa xukuumada Hargeysa ay digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo ku eedeysayna inay si weyn u carqaladeyneyso horumarka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay in dowladda federaalku ay kasoo horjeedo xasiloonida iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiir Koore ayaa dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo uga digay inaysan marnaba faraha lasoo galin arrimaha Somaliland, oo uu ku sheegay inay tahay dal madax-banaan oo xor u ah arrimihiisa siyaasadeed.

“Somaliland oo Waddan xor ah, arimihiisa iyo heshiisyadiisana waa u xor, cid uu wax ka weydiinayana ma jirto, cid kasta oo isku dayda inay hor istaagana way ku xiiqaysaa, markaas Maamulka Muqdisho wuxuu quudhi la’ yahay horumarka, xasiloonida, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland ka jira” ayuu yiri Wasiir Koore.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee uu Farmaajo Madaxweynaha ka yahay in aanay arimaha Somaliland faraha la soo galin ee ay ku eekadan tooda, sababtoo ah anaguba arimaha Soomaaliya ma fara gashano, sidaas awgeed  raali kama nihin in Waddan kale arimahayaga soo faragashado, cid kasta oo xadkayaga iyo qaranimadayada ku soo duusha, talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa”.

Xukuumada Somaliland ayaa inta badan ka cabata faro-gelin ay sheegto inay uga timaado dowladda federaalka oo ula dhaqanta maamul goboleed, halka ay iyadu ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan.