Yaa ku lug leh KHILAAFKA guddoonka Aqalka Sare?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa magacaabay Guddiga Isu-keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Gudigaan, oo sagaal xubnood ka kooban, ayaa waxaa ku jira guddoomiyaha Aqalka Sare qudhiisa waxaana ay howshoodu tahy ka shaqeynta isu keenidda Dowoladda Federaalka iyo Maamul Gobleedyada iyo diyaarinta hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021.

Magacaabista gudigaan ayaa imaneysa xili uu khilaaf ka dhex jiro gudfdoonka Aqalka Sare.

Maxay ka dhigantahay magacaabistaan?

Magacaabida Guddigan ayaa daba socota baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu soo saaray maalmo ka hor ee ahaa in dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo saamaleyda siyaasadda inay isugu yimaadaan shir degdeg oo wadatashi ah.

“In la helo hab iyo hanaan raali la iskaga yahay oo doorasho lagu galo waa arrin soo dhaweynteeda leh oo in la boogaadiyo mudan, sida lagu yaqaanay aqallada sare ee aduunka, arrin xilligii loo baahnaa timid waaye,” waxaa sidaasi yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo BBC-da u warramay.

Sanatar Mowliid Xuseen Guhaad oo ah Guddoomiye kuxigeenka 2-aad golaha Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ka soo horjeestay kulankii guddiga joogtada ee lagu qabtay aaladda Suumka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in shirkaasi guddigu yeesheen aannu waafaqsaneyn xeer hoosaadka golahaasi.

”Waxaan ku diidanahay iyadoo ay Xamar ku sugan yihiin 12 sanator oo buuxin kara booskaasi in xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee aqalka oo dalka ka maqan aaladda Soom lagu raadiyo, iyadoo aysan jirin baahi keeni karta, waxayna arrintaasi baal marsantahay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare”, ayuu yiri Gudomiye kuxigeenka.

”Guddoomiyaha ilaa afar jeer baan arrrintan ka wada hadalnay balse iskumaan fahmin, taasi ayaana sababtay inaan dalbano guddiga joogtada ah.”

Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa la weydiyay iyadoo uu jiro khilaaf ka dhex jira go’aanka Aqalka Sare sidee ayuu guddigan ku noqaraa inuu ka mira dhaliyo hawlaha loo igmaday?

“Guddoonka Khilaafka soo kala dhexgalay waayadan dambe, waxaad moodda mid ay lug leyihiin madaxda sare ee dalka hase yeeshee waxaan aaminsanahay sida aan ku naqaano guddoomiye Cabdi Xaashi si kasto oo ay go’aamo adag ula hor yimaaddaan wuu ka soo baxayaa shaqada sabatoo ah waa nin Soomaalida dhex-dhexaad u ah.”