Taabid: Dalka iyo dadkuba dan uguma jirto in wax walba eber laga soo bilaabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Taabid Cabdi Maxamed oo horey u soo noqday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo agaasimaha madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashada iyo shirka ka dhacaya magaalada Garoowe.

Taabid ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo shirka wada-tashiga ee uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, kaas oo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, siiba is mari-waaga weli ka taagan doorashada 2021-ka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in dib loo eego, laguna qanco meesha la joogo, si aan dalka dib loogu celin dagaal sokeeye.

“Waa wax wanaagsan inaan wax ku qaadano waaqaca lama gudbaanka ah, wallow mar walba ay haboon tahay in fogaan-arag la yahay. Waan soo dhaweynayaa in fursad la siiyo wadahadallada masiiriga ah, waxaana rajeyneynaa in shirkan uu noqdo mid miradhal ah, oo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee 17 Sept 2020,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dalka iyo dadkaba aysan wax dan ugu jirin in wax weliba eber laga soo bilaabo.

“Shirarkii hore waxaa muuqatay in 80% heshiis laga gaaray, sidaa darteed waxaa sahlan in 20% dhiman laga heshiiyo. Dalka iyo dadkuba dan uguma jirto in waxwalba eber laga soo bilaabo” ayuu sii raaciyey siyaasiga caanka ah ee Taabid Cabdi Maxamed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladdii adkeyd ay xilligan ku jirto Soomaaliya, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee wada-hadallada doorashada, maadaama uu fashil iyo natiijo la’aan kusoo dhammaday shirweynihii Dhuusamareeb.