Rooble oo war cusub kasoo saaray shirka uu iclaamiyey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay qabsoomidda shirka uu 15-ka bishan iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, kaas oo loo asteeyey in lagu qabto magaalada Garowe ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu shaaciyey in xukuumadiisu ay cayaari doonto doorka kaga aaddan fududeynta shirkan iyo dhaqan gelinta heshiiskii 17-kii September.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland,” ayaa ugu horeyn lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.”

Ugu dambeyntii warkan waxaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.”

Warkan ka soo baxay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble waxuu ku soo aadayaa, iyadoo saacado ka hor uu madaxweyne Farmaajo shaaciyey in madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay shir kale isugu tegayaan Garowe 15-ka bishan Febraayo.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa marxalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxda dowladda dhexe,mana jirto wax doorasho ah oo loo dhaqaaqay, waxayna madaxda Soomaalidu isku mari la’yihiin, hir-gelinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen 17-kii September.