Muxuu ahaa qaraxii caawa laga maqlay MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay qarax xoog leh, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Qaraxaas ayaa la sheegay in laga soo buuxiyey jawaan, isla markaana la dhigay banaanka garoonka.

Sida ay Caasimada Online u xaqijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay si nabad ah u fashiliyaan qaraxaas.

Illaa hadda goobta lagama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas, oo si bareer ah ay ciidamada booliska Soomaaliya u qarxiyeen, gaar ahaan qeybta miinooyinka.

Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho aad uga fuliya qaraxyada la dhigo wadooyinka dhinacooda, kuwaas oo ay la sugaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in markasta ay qaraxyadoodu khasaare culus u geystaan shacabka.