Farmaajo oo caawa kulan isugu yeeray guddoonka Golaha Shacabka ee BF

Muqdisho (Caasimada Online – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saartay kulan caawa maadxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalkan wax faah-faahin loogama bixin wada-hadallada dhacay.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo maanta ay xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Xildhibaanadaas oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.

Sidoo kale kulankan caawa uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay guddoonka golaha shacabka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Arbacada berri ah uu Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheynayo inuu horgeeyo codsi muddo kordhin ah.

Inkastoo xukuumaddan waqtigu ka dhamaaday aysan weli cadeyn inay dooneyso mudo kororsi, hadana qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku doodaya inuu jiro damacaas, isla markaana ay si adag uga hor tegayaan.