Kutlad cusub oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka oo ku kulmay Hotel-ka Jaziira, ayaa waxay ku dhawaaqeen gole ay ugu magac dareen “Kutlada bad-baadinta qaranka”, xili xaalka dalka uu marayo meel cabsi laga muujinayo.

Xildhibaanadan oo u badan kuwo si toos ah mucaarid ugu ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn muddo kordhin loo sameeyo madaxda uu waqtigoodu uu dhamaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ku shirsan Hotel Jaziira ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lamid yahay madaxweynayaashii hore ee dalka, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisi dastuuriga ah.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada uu qeybta ka yahay ay ka shaqeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa qorshe uu ra’iisal wasaare Rooble muddo kordhin kaga raadinayo baarlamaanka oo uu hortagi doono maalinta berri ah.

Kutladan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay laf-dhuun-gashay ku noqon doonaan damaca madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Si kastaba, waxaa laga deyrinaya xaalada dalka oo maraysa meel xasaasiya, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweynaha, xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashada, lamana oga sida ay wax u dhici doonaan maalmaha soo socda.