Xog: Cali Mahdi oo fariin u dhiibay wasiiradii shalay ku booqday hoygiisa Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilka sii heysa ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay gurigiisa ku booqday madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Kulankaan oo sida la sheegay ay codsadeen wasiirada ayaa ka dhacay guriga uu Cali Mahdi ku leeyahay Muqdisho, waxaana hogaaminayay wasiirka amniga Xasan Xundubey Jaamac, ayada oo looga hadlay marxaladda uu wadanka joogo iyo xiisadda ka taagan khilaafka doorashada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiirada ay Cali Mahdi ugu tageen iney kala hadlaan sida looga shaqeyn karo amniga dalka, looga fogaan karo xasilooni darro, maadaama uu madaxweynahii hore yahay oday Soomaaliyeed oo ku lug leh siyaasadda.

Ilo wareedyada ayaa Caasiamda Online u sheegay in Cali Mahdi uu fariin u dhiibay madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna u sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday, lagana doonayo inuu doorasho xalaal ah qabto ama kursiga baneeyo.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay wasiiradaan fariinta u gaarsiin karaan Farmaajo, hadana Cali Mahdi waa xubinta ugu weyn ee mucaaradka xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday, waxaana qof walba ay sugeysaa sida looga gudbi lahaa marxaladaan.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in shir la isugu yimaado, musharaxiinta mucaaradka waxey ku baaqeen in Farmaajo aan loogu yeeri madaxweyne, waxaa kaloo jirta xan siyaasadeed oo sheegeysa in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble goobayo muddo kordhin laba sano ah iyo iney xukuumadiisa qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.