Farmaajo oo iclaamiyey shir ka dhici doona Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la qorsheeyey inuu dhaco 15-ka bishan.

Shirkaas ayaa ka dhici doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana hoggaamin doona madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay qoraalka.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay ku dadaali doonto sidii dalka ay uga dhici laheyd  doorasho, iyadoo laga wadahadlayo arrimaha abuuray khilaafka taagan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan goor dhow ka soo baxay Villa Somalia.

Go’aankan uu madaxweynuhu ku iclaamiyey shirka Garowe waxuu ku soo aadayaa, iyadoo daqiiqado ka hor ay madaxtooyadu baahisay in madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah uu usugu yeeray guddoonka golaha shacabka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo madaxtooyadu ay ka baahisay kulankaas.