Xog: Rooble oo damacsan inuu BF u gudbiyo qorshe isugu jira muddo kordhin iyo nooc doorasho oo cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheynaya inuu berri baarlamanka horgeeyo qorshe yaab leh oo ka kooban nooc doorasho oo cusub iyo muddo kordhin isla socda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaano dhowr ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble, oo berri ka balansan golaha shacabka, uu soo jeedin doono in lagu laabto hannaankii doorashada ee horey looga diiday madaxweyne Farmaajo oo ahaa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhaceysa hal deegaan doorasho (Single Constituency) islamarkaana ah midka liixska xiran (closed list).

Doorashada halka deegaan doorasho (Single Constituency) ayaa ah mid qof iyo cod ah balse cod-bixiyayaasha kooban yihiin oo ay yihiin kaliya illaa dhowr kun ah, oo matalaya dhammaan shacabka oo dhan, kuwaas oo la isugu keenayo hal deeegaan doorasho, kadibna ay codka ka dhiibanayaan. 

Qorshaha Rooble ayaa ah inuu ku doodo in maadaama doorashadii kale lagu heshiin waayey middan la qaato, si loo fuliyana ay u baahan yihin waqti dheeri ah, oo illaa laba sano ah.

Ajendaha baarlamanka ee berri kuma jirto ka-hadalka muddo kordhin, balse xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in la doonayo in lagu soo geliyo qaab su’aal weydiin ah kadibna lagu meel-mariyo gacan taag deg deg ah. 

Dhanka kale xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka kuwaas oo kasoo horjeeda xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday ee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada abaabul ay kaga soo horjeedaan arrintaan, ugana hortagayaan.

Xildhibaanadan ayaa haatan shirar ku leh Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho, ujeedkuna waa iney ka hortagaan qorshaha la sheegay inuu berri damacsan yahay ra’iisul wasaare Rooble.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale lagu wargeliyey beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah inay deg deg ula hadlaan Mursal, ayaga oo uga digaya inuu qaado tallaabo noocan ah.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa dhawr jeer sheegtay inaysan koox gaar ah sameysan waddo ay iyadu faa’iido ku qabto, islamarkaana ay madaxda siyaasadda isku yimaadaan si ay ugu heshiiyaan arrimaha doorashada.

Sidoo kale waxey ka digeen muddo kordhin ay sameystaan madaxda uu wakhtigeeda dhamaaday iyadoo sidoo kale mucaaradku ay diideen iney madaxweyne ugu yeeraan Farmaajo kaas oo 8-February uu dhamaaday muddo xileedkiisa.