Maxay wakiilada BEESHA CAALAMKA kala hadleen ururada bulshada rayidka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulan ay xubnaha ugu sareeya saacadihii lasoo dhaafay la qaateen, madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Kulankaas ayaa wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada rayidka ah ku dhex maray qadka internet-ka, waxaana aragtiyadooda ku aadan xaaladda dalka looga dhageystay xubnihii ku metelayey bulshada Soomaaliyeed.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha xilligan saameynta ku leh bulshada nugul ee Soomaaliya, sida haweenka iyo dhallinyarada.

“Wakiillada saaxibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa kulan miro dhal ah oo khadka Internet-ka ah la yeeshay kooxaha bulshada rayidka ah, iyagoo dhagaystay aragtiyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha xilligan saameynta ku leh Soomaalida, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga UNSOM.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa marxalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxda dowladda dhexe,mana jirto wax doorasho ah oo loo dhaqaaqay, waxayna madaxda Soomaalidu ku heshiin waayeen hir-gelinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen 17-kii September.