ROOBLE oo hal arrin looga digay, ka hor kulanka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu hortego xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan kulanka baarlamaanka iyo qorshaha ay ka leedahay xukuumadda Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka siin doono golaha shacabka xaaladda dalka iyo doorashooyinka, halka kuwa kalena ay ku warramayaa inuu socdo qorshe ay xukuumadda ku dooneyso in muddo kordhin loogu sameeyo muddo xileedka.

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin muddo kororsi, haddii uu golaha la yimaado ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Idiris ayaa sidoo kale tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo loo qaadayo in waqtiga loogu cusbooneysiiyo xukuumadda dalka.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa, maantana waa cadeynay, lamana taaban karo xukuumadaa loo cusbooneysiinayaa,” ayuu yiri xildhibaanku.

Kulanka maanta ee baarlamaanka oo aan caadi aheyn ayaa ah mid si weyn isha loogu wado, gaar ahaan waxa kasoo bixi doono, maadaama uu dalka ku jiro xaalad cakiran.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaaladda adag oo kala guur ah, waxaana weli muran xoogan & is qab-qabsi uu ka jiraa doorashooyinka dalka ee 2020 illaa 2021-ka.