Taabit: “Lama aqbali karo in laba Isbuuc gudahood masiibo kale nagu dhacdo, waa…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayay kasoo yeertay fal-celintii ugu horeysay ee rasmi ah oo ku saabsan Qaraxa iyo weerarka lala beegsaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Kadib tacsidii madaxweyne Farmaajo, wuxuu Mudane Taabit tacsi u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay ku guda jirnaa badbaadinta & gurmad, isla markaana ay la soo badbaadiyay dhowr qof iyagoo nabad qaba, kuwa dhaawaca ahnna isbitaallada loo qaaday.

“Lama aqbali karo in 2 Isbuuc gudahood masiibo kale inagu dhacdo. Waa in si dhab ah la iskula xisaabtamaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa. Waxaan aaminsanahay sida keliya oo musiibooyinkan oo kale looga hortagi karo waa inay qof waliba shaqadeedu si sax ah u gudataa..” ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir oo farriin soo dhigay bartiisa FB.

Dhowaan ayuu Guddoomiyaha G/Banaadir ka dalbaday dowladda Federaalka in maamulka Gobolka loo madax banneeyo sugidda ammaanka caasimadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com