Tababaraha Arsenal, Arteta oo laga helay Coronavirus

London (Caasimada Online) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal Mikel Arteta, ayaa waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa xirtay xarunteedii tababarka, islamarkaana shaqalaaha kooxda ee xiriirka la sameeyey Arteta dhowaanahan ayaa is iskood ah isaga go’doomin doona bulshada inteeda kale.

Arsenal waxay sheegtay inay jiraan dad badan, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah cayaartoyda kooxda oo xiriir la sameeyey tababaraha.

Bayaanka kooxda oo uu ku saxiixnaa agaasime Vinai Venkatesham ayaa lagu sheegay in tababare Arteta oo 37 jir ah, uu aad uga niyad jabay arrintan, balse uu dhiiranaan leeyahay.

“Aad ayaan u niyad jabsanahay, waxaan tijaabada iska qaaday markii aan daal iska dareemay. Waxaan dib usoo laaban doonaa marka la ii ogolaado, oo aan soo kabto,” ayuu yiri Arteta.

“Muhiimadeena koowaad waa dadkeena iyo caafimaadkooda, taas ayaana diiradda saari doonaa,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Kooxda Arsenal ayaa lagu wadaa inay Sabtida la cayaarto naadiga Brighton, cayaar ka tirsan horyaalka Premier League. Hase yeeshee Arsenal waxay sheegtay inay u badan tahay in taasi aysan dhici doonin.

Horyaalka Premier League ayaa qoraal uu soo saaray Khamiista ku sheegay in kulamada ay u dhici doonaan sida loo qorsheeyey, inkasta oo uu jiro cudurka Coronavirus oo sii faafaya.