Tacadiyada Baydahbo oo hal arrin loo sababeeyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kalena xubin sare ka ah xisbiga amni iyo cadaalad ayaa ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan iyo tacadiyada ka jira deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dr. Maxamed Ibraahim oo u warramay Goobjoog ayaa sheegay in dhibaatooyinka amni xumada ay sabab u tahay hal arrin oo kaliya, taas oo uu ku sheegay mushaar la’aan heysata ciidamada Booliska ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka gaabiyey wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi iyo sidoo kale daryeelka ciidamada ammaanka, si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee ka saaran nabad-gelyada.

Waxakale oo uu intaasi ku daray in haatan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada koonfur Galbeed ay wajahayaan dhibaatada baaxada leh, sida uu hadalka u dhigay.

Si kasabata muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa la soo warinayey dhibaatooyin amni darro iyo falal ka baxsan sharciga oo ay ka mid yihiin Kufsi lagula kacay wiil yar-yar oo ka dhacay magaalada Baydhabo, inkastoo falkaasi ay Koonfur Galbeed u toogatay labo nin.