Sanbalooshe: “Kheyre wuxuu noqday saqiir siyaasadeed, kaligii duul af ka noole ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugida, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi cusub siiyey Dalsan ayaa markale ka hadlay xil ka tuuristii Ra’iisal wasaare Kheyre iyo khilaafka arrintaasi horseeday ee soo kala dhex-galay Farmaajo.

Sanbaloolshe ayaa ugu horeyntii ra’iisal wasaare Kheyre ku sifeeyay inuu ahaa ”Saqiir siyaasadeed iyo kaligii duul af ka noole ah, oo aan laheyn qorshayaal siyaasadeed oo cad, isla markaana aan helin garab uu ciirsado.”

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in Kheyre ay galaafatay cadaawad badan oo uu hore u dhigtay, ka hor khilaafka soo kala dhex-galay madaxda sarre ee dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay inay Farmaajo uga aari doonaan qaabkii ihaanada laheyd ee uu xilka uga tuuray, iyada oo qeyb ka tahay beesha Kheyre, isagoona wacad ku maray inuusan Farmaajo uga dambeyn doonin madaxtooyada.

“Xasan Cali Kheyre wuxuu noqday Saqiir Siyaasadeed, wuxuu ahaa Kaligiis duul Afkanoole ah, Madaxweyne Farmaajona wuu ka shalleyn doonaa xil ka qaadistii Kheyrre” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waa u aareyna, Beesha uu ka dhashay ee magaalada Muqdisho waa in aan Farmaajo uga aarno Xasan Cali Kheyre. Dhiigbaa nooga maqan Farmaajo, oo waa in uu Madaxtooyada uga dambeyn”.

Sanbaloolshe ayaa si cad u sheegay in Farmaajo ay ka ridi doonaan madaxtinimada, sidii uu Kheyre uga tuuray xilka, haddii uu doorasho qaban waayana ay marin doonaan dariiqi ra’iisal wasaaraha, oo ahaa in baarlamaanku kalsoonidii kala laabtay.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu jahwareer siyaasadeed ka taagan yahay dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray Kheyre, isla markaana wax is-afgarad ah laga gaarin arrinkii ay isku seegen Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka.

H