Baaritaanka WEERARKII Xabsiga Dhexe oo lasoo geba-gebeeyey iyo arrimo yaab leh oo lagu ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii argagaxiso ee August 10 ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeesheen sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha, guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub, sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay argagaxisada gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan.

“Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto,” ayaa lagu yiri warbixintan baaritaanka.

Qoraalka xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhacdadan loo xiray 27 qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 qof oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga.

“Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.”