Shirka Dhuusamareeb 3 – Maxaa lagu gartaa qofka diiddan danta guud?

Waxaa dhowr jeer soo noqnoqday warka ah maamul-goboleed hebel ayaa DIIDAY inuu ka qeyb-galo shir ay Dowladda Federaalku martigelisay.

Murti baa aheyd “Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo.” Mid kalaa aheyd: “Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.”

Hoggaamiyeyaal nasiib u helay in lagu aammino danaha maamul-goboleedkooda ayaa awooddooda siyaasadeed u adeegsanayo inay curyaamiyaan qaranka. Waxay hor taagan yihiin in Soomaaliya gaarto QARANNIMO buuxda. Kaaga daranee xilliga ay sidaas sameynayaan waa qarnigii 21-aad. Waa qarni aysan dunidu u shaqeyn sida ay rabaan maamul-goboleedyadu.

Laakiin hoggaamiyeyaashaas way yaqaannaan sida shacabka loo marin-habaabiyo. Waxay isticmaalaan MARMARSIINYO eed iyo ceeb loogu raadinayo Dowladda Federaalka iyagoo ku celcelinayo ereyadan: “Dastuurkii baa la jebiyay! Dastuurkii baa la jebiyay! Dastuurkii! Alla dastuurkii qaranka!!” Haddii xitaa ay taasi run tahay, maxaa xalka ka dhigay inay dudaan, oo diidaan miiska wadahadalka? May u turaan dalka iyo dadka?

Doodda canaadka ah ee hoggaamiyeyaashu waxay iska noqotay ma dhammaato. Haddii loo yeelo hal arrin, waxay la iman shuruud cusub oo canaad ah. Waa kuwan leh: “Shirka Muqdisho ee Oktoobar 2019 ma tegayno haddaan Jubbaland lagu marti-qaadin.” Waa laga yeelay. Taa caksigeeda, bishii May 2019 waxay maamul-goboleedyadu Shahiid Injineer Cabdiraxmaan Yariisow oo gobolka Benaadir metelayay u diideen inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga (inkastoo ay aakhirkii oggolaadeen). Mar kale waa kuwan: “Shirka Muqdisho ee July 2020 ma tegayno oo waa in annaga oo maamul-goboleedyo ah marka hore soo tashannaa.” Waa laga yeelay. “Shirka waa in laga raro Muqdisho. Waa in Dhuusamareeb lagu kulmaa.” Waa laga yeelay. “Shirka Dhuusamareeb 3 ma tegayno haddaan la dhisin raysalwasaare cusub — xitaa hadii la dhiso raysalwasaare cusub ma aaminayno Dowladda Federaalka ilaa uu shisheeye dhexdeenna soo galo.”

Halkaas ayay doodda hoggaamiye-goboleedyadu maraysaa. Haddii xitaa intan loo yeelana waxaa ku xigto canaad iyo luggooyo cusub: “Shirka soo socda ee Dhuusamareeb 3 ha loo raro meerayaasha Waxaraxir (Venus) ama Farraare (Mars).”

Runtii, Quraanka Xakiimka ah ayaa si xeel dheer u sawiray hab-dhaqanka qofka wax diiddan ee CANAADIGA ah — diintuu doono ha haystee. Qoraal ahaan, qaababka ugu fiican ee qof lagu baro akhristaha waa in qofkaa laga hadalsiiyo – qaabka uu qofka sheekada ku jiro u hadlo ayaa noqota daaqad laga daawan karo shakhsiyaddiisa. Ma xal-doon baa? Mise daneyste? Ma lillaahi baa? Mise laqdabo?

Hal tusaale waxaa inaga kaafiyo Aayadaha 89-93 ee Suuradda al-Israa.

Bal ila arka shuruudihii canaadiga ahaa ee hoggaamiyeyaashii reer Makko oo dul-mar ah: “Nebiyow aan ku raacnee bal horta 1 – dhulka ka jeex ilo biyo ah oo burqanayo; 2 – keenso oo hadda na tus beer leh geedo ah timir iyo canab – beertaas oo weliba leh webiyo dhex qulqulayo; 3 – ama cirka nagu soo dumi isagoo gobol gobol ah; 4 – ama horteenna keen Eebbe iyo malaa’igta; 5 – ama noqo mid heysto guri dahab ah; 6 – ama kor samada sare, xitaa haddii aad samada kortid kuma raaceyno ilaa aad la soo degtid kitaab aan akhrinno.”

Waa taas shakhsiyadda qofka canaadiga ah. Ujeedka intaas oo su’aalo waxay aheyd in la canaado danta Islaamka. Danta Islaamku waa maxay? Waa in ummaddu guuleysato if iyo aakhiro. Sidoo kale, war-murtiyeedyada ay soo halgaadayaan hogaamiye-goboleedyaduna waa canaad iyo curyaamin qaran.

Gunaanadkii, xal-diidnimo waa dan-seegnimo. Shacabka Soomaaliyeed ma mudna canaad iyo hagardaamo. Ilaa soddon sano ayay Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay hoggaamiye jagada uu hayo u arko turub siyaasadeed (halkii ay aheyd inuu jagadaas uga faa’iideeyo dib-u-dhiska qarankiisa). Haddaan rajo wax ka fahansanahay, Soomaaliya way dhaqaaqi si walba oo loo hagardaameeyo. Alle idinki.

Wabillaahi Towfiiq

Cabdullaahi Janno – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.Janno@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid