NETANYAHU oo bah-dilay Imaaraadka maalmo kadib markii ay sameysteen xiriirka

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa bahdilay Imaaraadka Carabta maalmo un kadib markii Abu Dhabi ay noqotay dalkii saddexaad oo Carbeed oo xiriir la yeesha Israel.

“Israel marna ma ogolaan doonto in Maraykanku uu diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-35 ka iibiyo Imaaraadka Carabta,” ayuu Twitter-ka ku sheegay Benjamin Netanyahu. “Sababtu waxay tahay waa in militariga Israel uu sii ahaado kan ugu sareeya ugu awoodda badan gobolka Bariga Dhexe,” ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii wargeyska Yedioth Ahronoth uu wariyay in maamulka Donald Trump uu qorsheeyey in uu Imaaraadka la galo heshiis uu uga iibinayo Diyaaradaha F-35, kadib markii uu ka qayb qaatay dib usoo celintii xiriirka Imaaraadka iyo Israel todobaadkii lasoo dhaafay.

Safaaradda Maraykanka ee Qudus iyo wakiilada Imaaraadka midkoodna weli kama uusan hadlin arrintaan.

Heshiis muddo dhexeeyay Maraykanka iyo Israel awgiis, Maraykanka ayaa ka gaabsaday iibinta hubka ee Bariga Dhexe kaasi oo wax u dhimaya tayada militariga Israel. Taasi waxaa lagu dabaqay diyaaradaha F-35, oo loo diiday dalalka Carbeed, halka Israel ay iibsatay islamarkaana loo geeyay.

“Kadib wada-hadalladii dib usoo celinta xiriirka ee labada dal, Israel ma aysan bedelin meeshii ay ka taagneyd in hub laga iibiyo dal walba oo ku yaala Bariga Dhexe, hubkaas oo keeni kara sinaan militari,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Netanyahu.

Taas waxaa ka mid ah, iibin kasta oo ku saabsan diyaaradaha F-35, ayaa lagu sheegay qoraalka.

Maamulka Trump ayaa muujiyay in Imaaraadku ku guuleysan doono iibsi cusub oo hubka Maraykanka ah kadib markii xiriir soo celinta lagu dhawaaqay Khamiistii lasoo dhaafay.

Wasiirka Tamarta Israel Yuval Steinitz ayaa xusay in xitaa hadii Maraykanku uu Imaaraadka ka iibiyo F-35 aysan khatar ku ahayn Israel, maadaama masaafada u dhaxaysa labada Dowladood ay kabadantahay in diyaaradu soo gaarto iyadoon shidaal kale helin.

Si kastaba, hadalka Netanyahu ayaa muujiyey sida heshiiska Imaaraadka Carabta la galeen uu u yahay mid hal dhinac ah oo Abu Dhabi aysan wax faa’iido ah aysan ku qabin, marka laga reebo inay heshiiska ku ogolaatay cabsi iyo cadaadis kaga yimid Washington iyo Tel Aviv.