Taliban oo soo saartay war shaki geliyey sheegashadii Mareykanka ee dilka Zawahiri

Kabul (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Taalibaan ayaa shaki geliyey sheegashadii Mareykanka ee aheyd inay magaalada Kabul ku dileen hoggaamiyihii Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, horraantii bishan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 2-dii August sheegay in duqeyn ay CIA-da ka fuliyeen Kabul lagu dilay Ayman Al-Zawahiri.

Si kastaba, Taalibaan ayaa hadda sheegtay in ku dhowaad bil kadib sheegashadaas aysan weli helin meydka Ayman al-Zawahiri, islamarkaana ay wadaan baaritaanka ku aadan dhacdadan, sida laga soo xigtay afhayeenka kooxdaas Zabihullah Mujahid.

Zabihullah Mujahid waxa uu qiray in weerarka Mareykanka uu sheegtay uu dhacay, wuxuuna u cambaareeyey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xadgudub ka dhan ah “mabaadi’da caalamiga ah,” balse waxa uu yiri “inaysan arag meydka Zawahiri.”

Su’aasha ayaa ah; ma Taalibaan ayaa qarineysa meydka iyo inuu Al-Zawihi joogay Kabul, mise Mareykanka ayaa ka been sheegay dilka hoggaamiyaha Al-Qacida. 

Marka si loo eego, Taaliibaan waxay haysataa sabab kasta oo ay u qariso dilka Zawahiri iyo joogitaankiisa Kabul, sababtoo ah wuxuu dhalinayaa su’aalo ku saabsan haddii kooxda ay gabbaad siisay kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021. 

Heshiiska Mareykanka uu uga baxay Afghanistan ee uu la galay Taalibaan ayaa dhigaya inaysan kooxdaas weerarin danaha Mareykanka, islamarkaana gabbaad siin Al-Qaacida.

Zawahiri, oo ahaa dhaqtar qalliin oo Masri ah, ayaa gacan ka gaystay isku xirikii weeraradii September 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xarunta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof.

Geerida Al-Zawahiri ayaa timid 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.