Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maalintii Axadda aheyd ee Shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha ciidamadda booliska ee sidda gaarka ah u tababaran ee waddanka Turkiga, Selami Türker.
Ujeedka Safarka Taliyaha ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo ciidamada Booliska labada wadan sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Taliyaha ayaa intii uu joogay Muqdisho wuxuu la kulmay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, isagoo sidoo kale ka qeybgalay Xafladdii lagu xusayey maalinta Booliska Soomaaliyeed.

Safarka Taliyaha ayaa kusoo aadayo xilli dalka Soomaaliya uu kaalmaha hore kaga jiro wadamada ka faa’ideystay tababarada Turkiga sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadolu.
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka furatay Saldhig Militari oo aad u weyn Bishii September 2017, wuxuuna saldhigaas noqday midka ugu weyn saldhigyada Militari ee Turkiga ka sameystay meel ka baxsan dalkiisa.
Dowladda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan leh tan iyo markii uu madaxweynaha Turkiga Erdogan uu Soomaaliya imaaday sanadkii 2011 markaas oo ay Soomaaliya ka jirtay macluul aad u daran.

