Muuse Biixi oo la kulmay madaxda mucaaridka iyo qodobadii laga wada hadlay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid.

Madaxweyne Biixi ayaa kulankaasi uu maanta la qaatay Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe, waxa si gaar ah diirada loogu saaray, isla markaana laga wada hadlay caqabaha ku gadaaman doorashooyinka Somaliland, sida lagu sheegay war murtiyeed ay kulankaasi ka soo saartay madaxtooyada Somaliland.

Hoos ka akhriso war murtiyeedka laga soo saaray kulankaasi:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa diirrada lagu saaray:

1. In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

2. In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

3. In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono”.