Dowlada oo shaacisay inay diyaarisay qorshaheeda wadahadallada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sii amba qaadida wadahadallada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dhinac.

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka tirsan xubnaha guddigaasi oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay wadahadal la furto maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Jangali ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu magacaabay guddiga ay wadeen xog uruurin iyo kulamo wadatashi ah oo ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay sugayaan kaliya dhinaca Somaliland, gaar ahaan guddiga wadahadalladaasi uga qeybgali lahaa.

“Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadaanaa, howshaas ma ahan howl ku xiran maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaaee ka imaanaya Somaliland ee wada hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wada hadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya.” ayuu yiri Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen qorshaha iyo sida ay uga howlgali lahaayeen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu ka furmay shir horu dhac u ah midka wadahadallada ee labad dhinac, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka, islamarkaana ay ka qeyb galayaan waxgarad matalaya Somaliland.

Afartii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hakad ku jiray wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoona hadda la doonayo in markale la sii amba qaado.