Taliyaha ciidanka Haramcad oo gurigiisa lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad,Farxaan Maxamuud Qaroole kaas oo ku yaal degmada Waabari.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada Asluubta, sida ay caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in askartaas oo watay gaari nooca Cabdi Bile au rasaas ku fureen guriga taliyaha, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysay weerarkaasi iyo u jeedka laga lahaa, laakin waxaa la sheegay ilaalada taliyaha la weeraray ay sameeyeen iska caabin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi in lagu xiray xarunta dabi baarista CID-da askartii ka dambeysay falkaas oo haatan su’aallo dheeraad ah lagu weydiinayo halkaasi.

Weli wax hadal ah kama soo bixin saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliyaoo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Muqdisho waxaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda, balse waxaa dhacdo ugu ah in ciidamo dowladda ka tirsan ay weeraraan ciidamo kale.