Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Garowe + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhoweyntiisa.

U jeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa horey u diiday ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyey noocada doorasho ee dalka ka dhaceyso, wolow ay iyagu ka horyimaadeen dhammaan qodobadii iyo heshiiskii lagu gaaray caasimada Galmudug.

Lama oga go’aanka ay isla qaadaan doonaan, labada hoggaamiye ee xulafada ah oo meel adag iska taagay shirkii wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa suura-gal ah inay shirka ka furmaya Garoowe ku biiraan qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka oo iyaguna ka soo horjeedo dowladda dhexe.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomalaiyeed ee Jubbaland uu dib ugu laabay magaalada Kismaayo, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Niarobi ee caasimadda dalka Kenya oo uu aaday arrimo caafimaad.