Taliyaha Ciidanka Xoogga oo go’doon ku ah baadiyaha Shabeellaha Dhexe – Xog

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa muddo ka badan 10 cisho waxa uu ku sugan-yahay degaano ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday howgal ka dhan ah Al-shabaab. 

Ciidanka dowladda oo ka kala baxay degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ayaa Al-Shabaab ka qabsaday degaano badan, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Al-Shabaab wadeen abaabulka weeraro ka dhan ciidanka dowladda, sida aan kasoo xiganay saraakiil ka tirsan xoogga dalka. 

Taliyaha ciidanka Xoogga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la qorsheeyay in uu soo baxo Arbacadii, hase yeeshee waxaa la helay xog sheegeysa in Al-shabaab ay diyaariyeen weerar abaabulan, kaasoo dhacay Khamiistii toddobaadkaan. 

Sidoo kale Taliyaha ciidamada xoogga ayaa baajiyay safar kale oo kii Arbacadii iyo Khamiistii ka horreeyay, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay diyaariyeen dagaalamayaal, gaadiid qaraxyo laga buuxiyay iyo miinooyin badan oo dhulka la geliyay, waana sababta uu ilaa hadda taliyaha u joogo baadiyaha Shabeellaha Dhexe. 

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ay ka fuliyeen degaanka Warciise ee duleedka degmada Jowhar waxay ku dileen Korneel Maxamed Cabdiwaaxid Faarah oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, waxaana la sheegay in weerarkaas ay lala damacsanaa taliyaha Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage. 

Ciidanka Xoogga ayaa toddobaadyadii dhowaa xoojiyey howlgallada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka go’an in gobolka laga xoreeyo maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo badan haysata qeybo ka mid ah.