Daawo: Guddigii uu Rooble magacaabay oo shaaciyey tirada xubnaha laga saaray guddiyada doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan ayaa markii middowga musharaxiinta waxay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha la qorsheeyey in guddiga laga saaro ay markii hore ahaayeen ku dhowaad 45 xubnood hase yeeshee xilli dambe ay soo baxeen cadaadis xooggan oo la saaray xubnaha guddiga xaqiijinta, ayada oo mas’uuliyiin miisaan culus ay ku dhegeen in xubnaha qaarkood loo daayo.

Guddiga xaqiijinta ayaa la filayaa inay dhowaan si rasmi ah u shaaciyaan magacyada xubnaha 34-ka ah ee guddiga laga saaray.

Dhinaca kale, xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa la sugayaa inay ka falceliyaan go’aanka ay guddiga xaqiijinta kusii daayeen 33 ka mid ah xubnihii ay cabashada ka keeneen, mana cadda inay aqbali doonaan iyo inay mar kale kala hadli doonaan ra’iisul wasaare Rooble.