Taliye ku-xigeenka ciidanka Itoobiya oo qaaday tallaabo ka dartay xiisadda Masar

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu is-difaaci doono, islamarkaana aanu marnaba wada-xaajood ka geli doonin madax-banaanidiisa ku aadan biyo-xireenka webiga Nile ee abuuray xiisadda kala dhaxeysa Masar.

“Masaarida iyo dunida inteeda kale si wanaagsan ayay u ogyihiin, sida aan u dagaal galno marka uu yimaado,” ayuu Jeneral Birhanu Jula ku yiri wareysi uu siiyey wargeyska ay dowladda leedahay ee Addis Zeman.

Birhanu ayaa hoggaamiyayaasha Masar ku eedeeyey inay “beddeleen sheekada” biyo-xireenka ugu weyn Africa ee Itoobiya ay sameysay.

Waxa uu Masar ku eedeeyey inay hubkeeda u adeegsatay “inay ugu hanjabto dalalka kale inaysan u dhowaan biyaha la wada leeyahay ee webiga Nile”, wuxuuna intaas ku daray in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in la wada shaqeeyo.

Hadalka Jeneralka ayaa ka duwan midka ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed oo horraantii toddobaadkan xildhibaanada dalkaas u sheegay in diblomaasiyadda ay tahay inay xudun u noqoto sidii loo xalin lahaa murankan.

“Ma dooneyno inaan dhaawacno cid kale, balse sidoo kale aad ayay u adkaan doontaa inaan aqbalno sheekada ah in aynan mudneyn inaan helno koronto,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Si kastaba, wada-hadallada u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ayaa u muuqda kuwa aan meelna u socon.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedu Andargachew ayaa shalay Masar ku eedeeyey inay caqabad ku tahay wada-hadallada saddex geesoodka ah ee ku aaddan biyo-xireenka.

“Mowqifka madax adeegga ah ee Masar ayaa caqabad ku aha wada-hadallada socda,” ayuu yiri isaga oo weriyayaasha uga warbixinayey halka ay illaa iyo hadda marayaan wada-hadallada.

Wada-hadallada ayaa Isniintii galay maalintii shanaad, waxaana diiradda lagu saarayaa sida loo buuxinayo biyo-xireenka iyo sida uu u howlgali doono.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqo doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.