Xildhibaan kursiga BF usoo wareegsaday MAGAALO aysan BEESHIISU degin

Beledweyne ( Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kursiga uu ku fadhiyo beeshiisa u soo wareegsaday gobolka Sh/dhexe, sida ku cad kursiga lambarkiisu yahay HOP 274.

Beesha Jidle ayaa ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada B/weyne, iyadoo wixii ka horreeyay 1991-kii ay xubin ku lahayd Golihii Deegaanka B/weyne. Sidoo kale waxaa ku aasan magaalada B/weyne Ugaaskii Beesha, Ugaas Nuurre Ugaas Ugas oo sanadkii 1994-kii ku geeriyooday magaalada B/weyne.

Odoyaasha, aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha oo uu hoggaaminayo Ugaaska Beesha oo dhowaan ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ka digay inuu Xildhibaan Nuux qorshahaas wato si uu mar kale kursiga ugu soo noqdo, taas oo ay maanta muuqato inay dhabowday wixii ay ka digayeen.

Xildhibaan Nuux oo ku dhashay, kuna soo barbaaray magaalada Dhagaxbuur ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan xo-ogaal badan u ahayn taariikhda Beesha iyo deegaannada ay dagto iyo ahmiyadda uu Gobolka Hiiraan u leeyahay. Doorashadii u dambeysay wuxuu ku soo baxay dagaal dhiig ku daato ka dib markii lagaga awood roonaaday wareeggii 1aad ee codeynta, isagoo markaasi taageero ka helayay Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh.

Aqoonyahanka Beesha ayaa aaminsan in sababta uu xildhibaan Nuux uu ugu soo wareejiyay kursigan Sh/Dhexe ay tahay inuusan kalsooni badan ku qabin beesha oo u badan Hiiraan, uuna doonayo inuu sameeyo qaab la mid ah kii uu ku soo baxay 2016-kii, inkastoo Xukuumadda talada haysa ay ka duwan tahay tii caawisay 2016-kii.