Kismaayo: Ahlu-Sunna iyo maamulka Jubaland oo ay xiisad ka dhex oogan tahay

Kismaayo (Caasimadda Online) – Mas’uulyiinta Culumada Ahlu-Suna Waljamaca ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya xadgudub ay sheegeen in Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Jubaland ay ku hayso masaajidyada iyo xarumaha diinta lagu barto ee ay gacanta ku hayaan.

Cabashadan ayaa ku aadan dhwor Masaajid oo ay maamuli jireen Ahlu-Sunna oo, sida ay kooxdan ay sheegtay, ay wasaaradda u ballanqaaday dayactir balse kadib ay ku wareejisay dhinacyo kale.

Macalin Barre Maxamed oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ee ka cabanayo Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland ayaa sheegay inuu la kulmay wasiirka Cadaaladda Maxamed Aw Yuusuf, islamarkaana uu ballamo badan uga baxay isagoo adeegsanayo awoodda Wasaaradda sida uu hadalka u dhigay

Macalin Barre oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa xusay in wasaaradda ay uga baxday ballan aheyd in loo dayactiro masaajidda iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka Balse wuxuu sheegay in qandaraasyadii loo wareejiyey goobo kale.

Sheekh Cali Cabdullaahi Xuseen oo kamid ah culimada Ahlu  Sunna ayaa isna VOA u sheegay in Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland ay xirtay dhawr masjid iyo xarumo lagu baranayey Diinta Islaamka oo ay iyagu gacanta ku hayeen.

Dhanka kale, Mas’uulyiinta Wasaarada Cadaaladda Jubaland, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyey eedeynta ka timid Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Agaasimnaha Wasaarada Cadaaladda Jubbaland Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa gebi ahaanba wax kama jiraan ku tilmaamay eedeynta kasoo yeertay culumada Ahlu Sunna ee Kismaayo, wuxuuna sheegay inay Ahlu Sunna gacanta ku heyso inta badan masaajidda Kismaayo.

Masaajida uu muranka ka taagan yahay ayaa waxaa kamid ah Masaajidka khudbiga Jabarti ee xaafadda dalcadda iyo Masjidka  Al-Raxma ee Xaafadda  Shaqaalaha ku yaalo.

Halkaan hoose ka dhageyso khilaafka Ahlu Sunna iyo Jubbaland