Taliye ODOWAA oo tegay furinta hore ee dagaalka SH/DHEXE

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo haatan ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ka socda gobolkaas oo inta badan looga guuleystay Al-Shabaab.

Odowaa ayaa maanta gaaray deegaanka Ceel Cali Axmed oo 15 sanno kadib laga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, isaga oo booqday xeryaha ay dagan yihiin ciidanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed & kuwa deegaanka, isaga oo kula dardaarmay in laba jibaaraan dadaalkooda, ayna ka hortagaan Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ciidanka ku amaanay sidii Al-Shabaab iga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta laga adkaanyo Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah deegaanadaasi.

Booqashada Odowaa ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidanka ee ku yaal gobolka Sh/Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Hiiraan looga dhawaaqay wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi.

Si kastaba, Hiiraan iyo Sh/Djexe  ayaa xudun u noqdeen kacdoonka haatan ka socda dalka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deeganka.