Taliye XIJAAR oo war kasoo saaray amniga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan uu la yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.

Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen,dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka qaranka.

“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Amniga doorashooyinka ayaa ah mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la xiriira muranka doorashooyinka ayada oo ay jiraan walaacyo la xiriira in ciidamada federaalka loo adeegsado si qaldan xilliga doorashada.

Walaacyadan ayaa ka dhashay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu horey dhowr mar ciidamada amniga ugu adeegsaday in loogu awood sheegto doorashooyinkii maamul goboleedyada qaar, sidoo kalena lagu weeraray qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne ee ku sugan Muqdisho. 

Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shalay meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho.

“Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayaa doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.