Lacag laga qaaday Bankiga dhexe oo VILLA SOMALIA la geeyay oo aan weli lasoo celin 

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda ay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ka bixiyeen lacago malaayiin doollar ah, daba-yaaqadii bishii April ee sanadkan. 

Lacagtaan oo lagu bixiyay amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa sababta Bankiga looga soo qaaday lagu sheegay in laga cabsi qabay ciidamadii hubeysnaa ee soo galay Muqdisho, kuwaasoo Villa Somalia sheegtay in ay qorsheeyeen in la dhaco Bankiga dhexe ee Soomaaliya. 

Ma cadda sababta aan loo soo celin lacagtaas, waxaana suurta-gal ah in weli ay jirto cabsidii marka hore loo saaray, maadaama xaaladda Muqdisho ay saacad kasta isbeddeli karto, ama inuu jiro qorshe kale oo laga leeyahay lacagta..

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa noo sheegay in lacagtaas aan dib loo soo celin kadib markii ay degtay xaaladda magaalada, iyadoo ay guul dareysteen dedaalo badan oo ay wasaaradda iyo masuuliyiinta Bankiga sameeyeen. 

Saraakiisha Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa aaminsan in ay aad u adagtahay soo celinta lacagtaas oo la sheegay in markii hore si fudud lagu bixiyay. 

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in Bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ay aaminsan yihiin in ay fududaadeen oo ay heli kareen goobo kale oo lacagtaas la geeyo. 

Ciidamadii soo galay Muqdisho islamarkaana diidanaa muddo korarsiga, kuwaasoo looga cabsi qabay in ay boobaan goobo badan ayaa dib ugu laabtay goobihii ay ka soo baxeen ee furumaha dagaalka kadib heshiis laga gaaray waxyaabihii sababay in ay soo baxaan ee muranka doorashada Soomaaliya.