Muxuu shirka Muqdisho uga duwan yahay kuwii hore?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii saddexaad ka socda shirweynaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo doorashada 2021-ka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga muujinayaa rajo wanaagsan oo ah inay guuleystaan wada-hadallada socda ee doorashooyinka, sida uu qabo Cali Socdaal (Cismaan Dheere) oo ah wasiirkii hore ee wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug.

Cismaan Dheere oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in shirkan uu ka duwan shirarkii hore, isla-markaana uu hadda jiro biseyl siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro isku dhowaansho ay sameeyeen dhinacyada shirka qeyb-galaya, isla-markaana jawiga uu ku socdo shirka uu yahay mid aad u sarreeya.

“Shirarka wada-hadalka doorashooyinka Soomaaliya waxa ay soo jiitamayeen sanado oo marba meel ayaa lagu qabanayay, kan ugu rejada wanaagsan waa kulanka haatan socda, wax mabda’ qaran ah oo la isku hayay ma jirto oo sheekadaas way soo dhammaatay, hadda in wax la gaaro waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri wasiir hore Cismaan Dheere.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu dhigay gogosha shirka uu dadaal badan ku bixinayo ka miro-dhalinta qodobada la’isku hayo, si meesha looga saaro, dalkuna u aado doorasho loo dhanyahay oo u dhacda xor iyo xalaal.

“Dhabbe wanaagsan ayuu ku socdaa Shirka Doorashooyinka, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu wataa howshiisa oo ah in uu ka mira-dhaliyo qabsoomidda Doorashooyinka si meesha looga saaro danaha gaarka ah ee caqabadda ku noqotay hirgelinta heshiisyada siyaasadeed ee dhacay,” ayuu sii raaciyey wasiirkii hore ee Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo shirka doorashooyinka ee ka socda Teendhada Afiysooni uu galay maalintiisii saddexaad, kaas oo ay ka qeyb-galayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu go’aaminayo doorashooyinka 2021-ka.