Taliyaha NISA oo gaaray AADAN YABAAL + Ujeedka

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiraan loogu soo dhaweeyay.

Sanbaloolshe ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Xooga dalka, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Ujeedka taliyeyaasha NISA ayaa ah sidii ay u kormeeri lahaayeen xeryaha ciidamada, una ogaan lahaayeen xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku bixi doonaan xiisad u dhexeyo laba beelood oo walaalo ah oo ka taagan deegaano dhaca xadka kala qaybiya gobollada Hiiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sanbaloolshe iyo saraaliisha la socota ayaa sidoo kale la kulmo doono waxgaradka deegaanka, si ay xog wareystaan xaaladaha ka jiraa halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadib wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ee ka dhacay HirShabelle.

Weli waxaa degmadan iyo agagaarkeeda difaac uga jira ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda oo howlgallo culus ka wada xadka u dhexeeya labada gobol.

Si kastaba, safarka Sanbaloolshe ee Aadan Yabaal ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu uga baxay Muqdisho, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA.