Xog: Ra’iisul wasaare Xamza oo markii ugu horreysay tegaya KENYA + Ujeedka

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in bisha soo socota uu booqasho rasmi ah ku tego dalka Kenya, taas oo noqoneyso tii ugu horreysay oo uu ku tegayo dalkaas, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo hadal siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay safarka ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmi doono madaxda waddankaasi.

Korir SingOei ayaa sidoo kale la kulmay xubno ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ay ka wada-hadlaan qorshaha safarkaas iyo xiriirka labada dowladood ee dariska ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ujeedka uu yahay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo kor loo qaado xasiloonida labada dal iyo guud ahaan gobolka.

“Kenya iyo Soomaaliya waa deris wanaagsan, waxayna sii wadaan ka wada shaqaynta xoojinta xasiloonida labada dal iyo gobolka si loo helo barwaaqada wadajirka ah ee dadkeenna. Waxaan ka wada hadalnay booqasho rasmi ah oo uu dhawaan ku imaan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” Ayuu yiri Korir SingOei.

Warrarka ayaa intaasi ku daraya in safarka Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah.

Waxaa sidoo kale qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood.

Booqashadan ayaa sidoo kale lagu aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto.