Xogta baaritaan culus oo ku bilowday Mahathir Mohamad

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.

Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan hantidiisa gudaha iyo dibadda dalka, taasi oo qayb ka ah baaritaan la xiriira soo shaac-bixidii warqadaha sirta ah ee loo yaqaan Panama Papers.

Madaxa MACC, Azam Baki ayaa maanta oo Khamiis ah weriyayaasha ugu sheegay gobolka waqooyi bari ee Kelantan in Mahathir sidoo kale la baarayo.

“Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo in isaga (Mahatir) uu ka mid yahay dadka la baarayo. Tani waxay daba socotaa baaritaan lagu sameeyay wiilashiisa,” ayuu ku yiri hadal laga baahiyey teleefishinka.

“Labada wiil waxaa la siiyay ogeysiis ah inay caddeeyaan hantidooda,” ayuu raaciyey isaga oo diiday inuu bixiyo faah-faahin.

Qof kaaliye u ah Mahathir ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin “in aan weli la soo saarin ogeysiis rasmi ah oo ka dhan ah Mahathir oo lagu wargelinayo ra’iisal wasaarihii hore wax baaritaan ah”.

Mahathir, oo 98 jir ah, waa nin ay siyaasad ahaan xafiiltamaan, aadna u dhaleeceeya Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo wacad ku maray inuu meesha ka saari doono musuq-maasuqa heerka sare ah.

Guddiga MACC ayaa sheegay inuu bishii August 2022 baaritaan ku billaabay “hay’ado lala xiriiriyey ama lagu xusay” Waraaqaha Pandora iyo Panama, kuwaas oo kashifay canshuur bixin ka dhuumashada maalqabeenada iyo dadka awoodda leh ee caalamka oo dhan.

Bishii Febraayo, MACC waxay dacwad ku soo oogeen wasiirkii hore ee maaliyadda Daim Zainuddin iyo xaaskiisa sababo la xiriira inay ku guuldareysteen inay shaaciyaan hantidooda. Daim waa saaxiib aad ugu dhow Mahathir.