Faah-faahin: Taliyihii ciidamada Gorgor oo lagu dilay agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada ayaa caawa isaga iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa lagu dilay afaafka hore ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa dilkoodu yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar wayne gaari uu watay sarkaalka.

Goobta uu falkaas ka dhacay ayaa maalmo ka hor la dhigay Bar koontorool oo laga ilaaliyo Hotelka, waana wadada ka baxda madaxtooyada ee aada dhanka Isgoyska Jubba.

Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka.

Intaas kadib ayuu dib u qaaday gaarigiisa wuuna ka soo dagay si uu mar kale uga codsado ilaalada Hotelka in laga gudbiyo birta, balse waxaa mar qura rasaas huwiyay askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo Hotel Maa’ida.

Askariga ayaa isaga oo meyd ah goobta laga qaaday, waxaana dhaawac uu isbitaalka ugu geeriyooday goobta looga qaaday Maxaadey Saleebaan oo ahaa tiliyihii urur ka tirsan ciidamada uu taba baray Turkiga oo lagu magacaabo Gorgor.

Sidoo kale Taliyahan ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com