Taliyihii ciidanka DANAB oo xilka laga qaaday, xili uu weli xabsi ku jiro iyo mid cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii guutada 16-aad ee kumandooska DANAB, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, xili uu xiran yahay muddo ku siman labo bilood.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa hore loogu sameeyay shaqo joojin, iyada oo sida la fahamsan yahay xiligaasi loo xiray arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku jiraa xabsi ku dhex yaalla wasaaradda difaaca.

Xariga Taliyaha ayaa waxa si weyn uga carooday Mareykanka oo wada-shaqeyn dhow kala dhaxeysay, iyadoo oo dhawaana ay soo baxayeen digniino ka dhan ah xariga taliyaha.

Waxaa taliyaha cusub ee ciidanka Kumaandooska DANAB loo magacaabay Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur (Beer-yare), oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Sanadkii 2013 ayuu taliyaha cusube Gaashaanle Beeryare ka mid noqday ciidankii dib lagu asaasay ciidan ka kumandooska Danab ee xoogga dalka waxana uuna ka soo qabtay xilal kala duwan sida Taliye Koox, Taliye Hurin, Taliye Saadka, waxa uu tababar ciidan ku soo qaatay dalalka Uganda, Itoobiya, Turkiga iyo Maraykanka.

Inkasta oo si dhab ah u cadeyn sababta shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, isla markaan xilka looga qaaday, ayaa haddana waxay kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe socday is-badallo xoog leh.

Isbedeladaasi ayaa u muuqda kuwo meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka ‘ee aan la isku hubin’, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, taasi oo uu waday taliska xoogga dalka.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg-yahay.