Tallaabada xigta ee beesha caalamka kadib fashilkii shirka Afisyoone (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday shalay, kadib markii ay dowladda shaacisay inuu fashilmay.

Wasiirka Warfaafinta xilka sii haya Cismaan Dubbe oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho, midaasi oo ay iska fogeeyen labada madaxweyne, hase yeeshee madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan ka war-hayn shir fashilmay balse ay dowladdu “dooneyso inay fashiliso.”

Haddaba, maxaa lagu macneeyneyn karaa fashilka ku yimid shirkaas, maxaase xigi doona?

Agaasimaha hay’adda Heritage, Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo haatan ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa arrintaas si qoto dheer u falanqeeyay, wuxuuna ku tilmaamay fashilka shirka mid hore loo sii ogaa, maadama uu shirka madaxda ku yimid culeys dhanka beesha caalamka oo uusan ku imaan rabitaanka madaxda sarre.

Wuxuu sheegay in qoddobada la isku haya ay ka balaadhan-yihiin hanaanka doorashada, islamarkaana la isku haysto awooda dowladnimo, isagoona carabaabay in madaxda sarre ee dowladda ay doonayaan wax uu ugu yeeray ‘awood maroorsi’.

“Waxaa hadda muuqata dowladda iyo dhaqankeeda inuu u egyahay inay rabto in xoogto, ama ay sameyso doorashooyinkii ay keli-talisyada caadiga ah sameyn jireen sameyso, qoladaan kalena waxaad mooda in dowladaan iyo dadka hogaamiyaba inay meesha ka wada baxaan,” ayuu yiri Prof Afyare.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu dowladda ku eedeyay inaysan u diyaarsaneyn ka qeyb-galka doorasho wada-ogol ah, ayna daacad ka aheyn wada-hadal ay la gasho dhinacyadey is-hayaan, islamarkaan la indho sarcaadinayo beesha caalamka.

Dr. Afyare ayaa sheegay in shirka markii horeba uusan ku iman rabitaanka dhinacyada Soomaalida, balse uu ku yimid cadaadisa golaha ammaanka, waxaana uu uu sheegay haddii is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka uu sii socdo inay beesha caalamka qaab ka duwan midkii hore usoo faro-gelinayso, ayna suurta-gal tahay in tallaabooyin adag uu qaado Golaha Amaanka, sida uu u sheegay.

“Golaha Ammaanka, waxaa xogaha qaar ay sheegayaan in ay leeyihiin markan bal markii ugu dambeysay fursad hala siiyo Soomaalida, haddii ay heshiin waayaana in beesha caalamka ay ku wajahdo si ka awood badan sidii hore,” ayuu yiri Dr. Afyare.

“Waxay u eg tahay in Soomaalida ay kaararkii oo dhan ay gacanta u geliyeen beesha caalamka, waxayna ku xirnaan doontaa sida ay u wajahaan iminka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladaha tabarta daran ay awood xoog leh ku leeyihiin beesha caalamka, oo ayadu muddooyinkii dambe gadaal ka riixeysay kulamada madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ee fashilmay.

Hoos ka dhageyso Dr. Afyare