Tallaabadi wasiir Canshuur sidee bay u saameyn kartaa habdhaqankii DF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Talaadadii la soo dhaafay ciidama Kenya ee ku sugan xadka labada wadan ee kala qeybiya ee Somaaliya iyo dalkaasi waxa ay weerar ay shacab ah ku laayeen ku qaadeen xarunta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee ku taal degmada Dhuuntow ee gobolka Gedo.

Weerarkaas oo ay salaaddii subax waqti ku beegan geysteen ciidamada Kenya waxa ay ku dileen marxuum Cabdikariin Xassan Cali oo ahaa sarkaal ka tirsanaa shirkadda Hormuud.

Isla weerarkaas waxa ay ciidamada Kenya ku dileen Baxar Iidoor oo ka mid ahaa dadkii deegaanka, kaas oo ku jiray toddobaadkii kowaad ee arooskiisa.

Ciidanka Kenya intaas kaddib waxa ay walxaha qarxa ku xireen xarunta iyaga oo gubay gabi’ahaanba dhismeheeda.

Ma jirin ciidanka Kenya sabab ay u aaneeyeen weerarkooda waxashnimada ahaa, walow aysan ahayn markii ugu horreeysay ee ay sidaas deeganada xadka ku dhaw ama gudaha dalka ku dhibaateeyaan shacaka Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, dowladdihii Soomaaliya ee isaga dambeeyey xukunka wey adkeyd in ay ka falceliyaan tacadiyadda ay Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay dhalleeceyn ugala kulmi jireen shacabka.

Waxaa jirtay in ay Kenya ay bilowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka labada dal kala qeybiya, taas oo ay gudaha Soomaaliya ugu soo galeen ilaa iyo xad, hadana waqti ayey ku qaadatay in dowladda Soomaaliya ay ka falceliso ama ay dowladda Kenya kala hadasho.

Yeelkeede, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Cabdi Canshuur Xassan ayaa toddobaadkii hore sameeyey arrin taas ka bedelan isaga oo durba falkaas gurracn cambaareeyey.

QORAAL LA SOO DHIGAY BOGGIISA FACEBOOK WAXAA LAGU YIRI

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa cambaareeyey Weerarkii lagu qaadey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow ee degmada Ceel-waaq.

Wasiirka oo u tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa sheegay in ay kulan gaar ah arrintan kala qaateen Wasaaraddaha Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Dibedda degdegna looga bixin doono jawaabta ku habbon, isaga oo ku tilmaamey weerarkaasmid aan loo dulqaadan karin.

“Waxa aan ka qaadi doonaa weerarkan talaabooyinka ku habboon kadib kolka ay soo dhamaadaan baaritaanada hay’adaha ku shaqadda leh” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in uu dhamaadey xiliggii isla xisaabtan la’aanta oo ay tahay in cid weliba ay si dhab ah u qaadato masuuliyadeedda, waxa aanna rajaynaynaa in ay degdeg u soo dhamaadaan baaritaanadan” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Hadaba falcelinta Wasiir Canshuur mala oran karaa waxa ay wax ka bedeshay habdhaqankii siyaasadeed ee dowladda federaalka ah, eek a fal-celinta dhibataada shacabka loo geysto, mase tahay mid ku filan, maxayse dowladda qaadi kartaa oo tallaabo?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com