Tallaabooyinka ay qaadeen xildhibaanada oo rejo beel ku riday musharaxiin badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Xildhibaanada Labada Aqal ayaan tegin Teendhada Afisyooni, oo musharaxiinta Madaxweynaha ay labadii maalmood ee tegay ka jeedinayeen khudbadahooda wax-qabadkooda, waxaana la arkay kuraas badna oo eber ah.

Tirada xildhibaanada tagtay hadal jeedinta shalay ayaa xitaa dhameyn 50, ayada oo xubnaha labada aqal ay yihiin 329.

Tallaabadaan ayaa banaanka usoo saartay in Xildhibaanada intooda badan aysan dan ka laheyn waxqabad iyo ajende siyaasadeed oo ay ku doortan hogaanka cusub ee dalka, taas badalkeeda ay doorbidayaan dhaqaale ama xulufeysi siyaasadeed.

Arrintan ayaa rejo beel ku riday musharaxiin badan oo markii hore rabay inay Xildhibaanada ku beerlaxowsadaan hadal jeedinta, ayada oo kal horeba mudaneyaasha ay soo saarteen inta badan musharaxiin gaar ah oo codkooda ku tashanaya.

Cidda kaliya ee hadda faa’iidada qabta ayaa ah musharaxiinta markii hore xooganaa ee haystay isbaheysiga siyaasadeed, ee aan khudbad wax ku raadineyn kuwaas oo kala ah Xasan Sheekh, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Deni.

Tallaabada ay qaadeen Xildhibaanada ayaa waxaa si weyn uga carooday xubno uu kamid yahay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo asagu ku tilmaamay wax laga xumaaday sida ay shalay u dhaqmeen xildhibaanada oo ay khudbado u jeediyeen musharaxiinta madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay qabsoomto 15-ka bishaan May, haddii uusan jadwalkeeda ku iman isbedel lama filaan ah oo dib u dhac kale ku keena.

Si kastaba, waxaa maalmihii udambeeyay si weyn loo dareemayay ololaha musharaxiinta madaxweyne ay ku rabaan inay iskaga gadaan bulshada Soomaaliyeed iyo kala jiidashada xildhibaanada, oo markii horeba qaarkood lagu xirtay koontooyin gaar ah.