Daawo: QALBI-DHAGAX oo soo saaray fariin xasaasi ah oo la xiriirta doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Muuse “Qalbi Dhagax” oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa hadal uu jeediyey wuxuu ugu mahad celiyay xukuumadda ra’iisul wasaare Rooblesida ay u qaadacday go’aankii lagu dhiibay iyo ururkii uu ka tirsanaa ee lagu tilmaamay argagixiso.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in wixii dhacay iyo ciddii geysatay shacabka Soomaaliyeed xusuusan yahay, taariikhdana ay qoreyso qof walba wixii uu ummada u geystay, dadkaasina inay waajib tahay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed dib ula xisaabtamaan.

Qalbi-dhagax ayaa waxaa Itoobiya u gacan geliyey xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo hadda ah musharax, weli u aqoonsan Qalbi-dhagax iyo ONLF inay yihiin argagixiso.

“Nasiib daro, iyadoo aan ognahay dhowrkii sano u danbeysay inaanu ku sugneyn jahwareer, hubanti la’aan dowladeed iyo qiyaas aan la garan karin meesha aan ku danbeyn doono, ciddii dhibaatadaas inoo geysatay mar kale inay leedahay han, haddaad dhiman weydeen mar kale nasoo doorto, nasoo celiya, si aan idiin wada baabi’ino” ayuu yiri Qalbi Dhagax.

“Ummada waxaas sameyneysay ee maanta mar kale dooneysa inay dib isu soo diyaariso, waxaa fiicnaan laheyd, inay ummada horyimaadaan ay fasiraan wixii dhacay, muxuu ahaa, maxaa idinku kalifay, miyey xanuunsanaayeen ma caruureey ahaayeen, waa iney ka cudur daartaan wixii dhacay ummada u sheegaan, ama ay qaataan mas’uuliyadda, halkii loo baahnaa dhibaatadii gaartay ummadda Soomaaliyeed inay ugu tacsiyadeeyaan, raali gelin weydiistaan maanta mar kale inay yiraahdaan dib ha naloo soo doorto waa arrin nasiib daro ah,” ayuu sii raaciyay Qalbi Dhagax.

Halgamaa Qalbi Dhagax ayaa xildhibaanada baarlamaanka federaalka ka rajeeyay maalinta Axada ee 15-ka May oo ku asteysan maalin qaran oo la xusayo halgamayaashii SYL in lagu ciqaabo waxa ay mudnaayeen, ummada Soomaaliyeedna ay u dooraan dadkii samata-bixin lahaa shacabka.

Qalbi Dhagax wuxu intaa raaciyay inaysan xaq u haleyn dadkaasi uu eedeeyay in xildhibaanadii matalayay shacabka ay xil weydiistaan, balse iyaga xaq loogu leeyahay in lagula xisaabtamo dhibaatadii ay geysteen.

Imaanshaha Qalbi Dhagax ee Muqdisho ayaa dharbaaxo ku ah madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo xiligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha la dhiibay Qalbi Dhagax.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax loogu yeeray inuu ka qeybgalo kulanka baarlamaanka Axada ku yeelanayo teendhada Afisyoone ee lagu dooranayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.