Talyaaniga oo ogolaaday hir-gelinta mashruuc muhiim ah oo uu ka dalbaday Waare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Muqdisho kula kulmay ku xigeenka safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo.

Madaxweyne Waare Ambassador Tabio ayaa ka wadahadlay sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha xilli roobaad kasta uu wabiga Shabeelle ka geysto magaalada Beledweyne.

Dowladda Talyaaniga ayaa maadxweyne Waare ka ogolaatay inay dib u bilaawdo mashruucii ay horay u balanqaaday ee ka hor tagga fatahaadda Beledweyne.

Mashruucaas waxaa ku baxaysa lacag dhan lix Milyan oo dollar ($6,000,000).

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ku-xigeeknka safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo ayaa madaxweyne Waare u sheegay in lacagtaas dowladiisu ogolaatay.

Dhankiisa madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tallaabadaas uga mahad celiyey safiirka iyo si guud dowladda Talyaaniga.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha fatahaadaha Beledweyne ayaa waxaa lasoo marsiinayaa oo fulinaysa mashruucaas hey’adda cunada iyo beeraha ee FAO.

Qorshahan la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee looga hor tegayo fatahaadaha Beledweyne ayaa dadaal badan lagu bixinayey waayihii dambe, kadib markii ay dowladda Talyaaniga kor hore ku dhawaaqday inay hakisay hir gelinta mashruucaas.